DOORASHADA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE FARACA DHARKENLAY 2018

Events on: ,

Kulan si heer ah loosoo agaasimay, oo ay isugu yimaadeen Xubnaha Faraca degmada Dharkaynley iyo kor joogto ka kala socotay labada gole ee Urur ka Ee Golaha Dhexe iyo golaha fulinta, ayaa ka qabsoomay Hotel Istanbul Ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa Doorashada gudoomiyaha cusub ee Faraca degmada Dharkaynley kadib markii ay dhamaatay muddo xileedkii gudoomiyihii hore ee faraca Mudane C/samad Maxamed Sheekh.

Ugu horayn kulanka waxaa daah furay Gudoomiyaha guud ee Ururka Jiilul Amal, Mudane Maxamed Barawaani oo ka sheekeeyay Ahmiyadda ay leedaha doorashada iyo in dadku ay hogaankooda doortaan, isagoo sidoo kale mahadcelin balaaran u jeediyay Maamulkii iyo xubnihii firfircoonaa ee faraca dharkaynley ka soo shaqaynayay muddadii sanadka ahayd, wuxuu hogaanka cusubna u rajeeyay inuu ilaahay la garab galo hawsha culus ee hortaala, isagoo xubnaha faraca na ka codsaday inay la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub.

Intaa ka dib waxaa kalmado kookooban la siiyay xubnaha ka kala socday labada gole ee doorashada kor joogtada ka ahaa.

Intaa kadib waxaa la gudo galay doorashadii waxaana codka oo qarsoodi ahaa markii la tiriyay ka dib 8 cod ku guulaystay Mudane #MaxamedNuur oo ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee mudadii sanad ka ahayd ka soo shaqaynayay Faraca Degmada Dharkeynley.

Kalmadii gudoomiyaha cusub ayuu ugu mahadceliyay dhamaan xubnihii codkooda siiyay iyo sidoo kale dhamaan inta goobjoga ka ahayd kulanka, wuxuuna balan qaaday in intii karaankiisa uu ku dadaali doono inuu ka shaqayn doono sidii loo hirgalin lahaa hawlaha Jiilul Amal ee ku aadan faraca dharkaynleey, sidoo kalena waxaa uu balan qaaday inuu kaashan doono dhamaaan xubnaha faraca, iyo maamulkii hore ee Faraca.

Ugu danbayntii Waxaa kalmaddiisa Jeediyay Gudoomiyihii hore ee Faraca Mudane C/samad Maxamed Sheekh oo ka warbixiyay mudadaas sanadka ah waxyaabihi u qabsoomay, sidoo kalena balan qaaday inuu la shaqayn doono hogaanka cusub.

Gabagabadii Waxa kalmado tahniyad ah u diray, gudoomiyaha cusub xubnihii kulanka ka soo qaybgalay uguna duceeyay inuu ilaahay u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

26231727_1646743415348288_5558596363022279904_n 26231007_1646743692014927_3415104065128145293_n 26230628_1646743735348256_6513488040576479074_n 26230218_1646742722015024_8062369354778099306_n 26229941_1646743875348242_4811341436671904691_n 26219916_1646743825348247_737264308613947458_n 26195469_1646743618681601_5273753290495094993_n 26170031_1646743778681585_2313254044516096788_n 26169917_1646743325348297_4342382086164762628_n 26169865_1646742778681685_1349686206476249057_n 26169847_1646742958681667_5520866108846599661_n 26169659_1646742645348365_6912579998926536556_n 26169622_1646742585348371_7278123288137860757_n 26169477_1646743048681658_1114119303400320747_n 26169269_1646743518681611_8033872993751099423_n 26168956_1646742868681676_2456154072036106125_n 26168934_1646743235348306_2457372667293468089_n 26167815_1646743575348272_9164476809818973781_n 26167813_1646743125348317_3477775451264813997_n