AQOONISWEYDAARSIGA GUNDHIGGA HA’ADAHA SIYAASIGA AH

Events on: ,

Aqoon iswaydaarsi uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Siyaasadda ee Dhallinta Rajada Soomaaliyeed (Jiilul-Amal)

Xafiiska Siyaasadda Ee Ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyed, Jiilul-Amal, ayaa Soo qaban qaabiyay Aqoon Iswaydaarsi Cinwaankiisu ahaa (Gundhigga Ha’aadaha Siyaasiga ah).

Waxaa Mawduuca si Wanaagsan u falanqeeyay, cilmigiisa iyo khibradiisana nagula wadaagay Dr. Hassan Shekh Ali Nur Hassan Nur #Imaam, Oo ah Bare Cilmiga Siyaasadda ka dhiga Jaamacadaha ugu waawayn Magaalada muqdisho, Dhawr iyo tobankii sano ee ugu danbeeyayna siyaabo kala duwan talo iyo tusaalynba ku caawinayay dawladda Soomaaliyeed.

Dr. Hassan wuxuu aad u kala dhigdhigay waxyaabaha gundhigga iyo aasaaska u ah hay’adaha siyaasiga ah, oo kuwooda ugu muhiimsan aan ka xusi karno, #Sharciyadda Hay’adaha Siyaasiga ah (#Legitimacy) , #Awoodiyo Xoog ay wax ku fulin karaan (#Power), iyo #Habdhismeed sax ah oo wanaagsan inay u dhisanyihiin (#Structure).

Sidoo kale qaybaha danbe ee Aqoon iswaydaarsiga waxaa su’aalo iyo faalaynba ku daray qaar ka mid ah dhalinyaradii iyo aqoonyahankii ka soo qayb galay barnaamijka.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Dhalinyaro kakala Socday Ururada Dhalinyarada ee ugu firfircoon magaalada Muqdisho, qaar ka mid Ardayda darajada 2aad ku diyaariya Diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, iyo xubno ka socday golayaasha iyo xafiisyada Ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyeed Hope Generation.

Xafiis ka Siyaasadda iyo dhamaan Xubnaha Dhalinta Rajada Soomaaliyeed waxay Mahadcelin ballaadhan u dirayaan, Prof Dr.Hassan Sheekh Cali oo waqtigiisa qaaliga ah noo soo huray si uu nogu faa’iideeyo, iyo dhamaan martidii nagala soo qayb gashay aqoon iswaydaarsiga.

Xafiiska Siyaasadda Ee Dhalinta Rajada Soomaaliyeed Jiilul-Amal waxa loo aasaasay si sare loogu qaado Wacyiga siyaasiga ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga faa’iidaysanayo dad ka cilmiga iyo khibraddaba u leh Siyaasadda guud ahaan, si gaar ahna Siyaasadda Soomaaliya.

Ugu danbayn Xafiisaka Siyaasaddu wuxuu u ballan qaadayaa in dhallinyarada uu u soo diyaarin doono barnaamijo ay cilmi iyo khibrad ba ka kororsan doonaan, Inshaa’allah.

Ururka Hope Generation (Dhallinta Rajada Soomaaliyeed), waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

24129917_1604871162868847_4644836294433288145_n 24129453_1604870256202271_1029450835346671717_n 24067919_1604870062868957_817504994251162165_n 24059067_1604870072868956_6715909147714304669_n 23915930_1604870599535570_3652539273653405732_n 23915821_1604872606202036_2416373775120619646_n 23905655_1604870496202247_926374105365111426_n 23905642_1604870449535585_6697627820473209674_n 23905642_1604870106202286_5495775567658536_n 23844910_1604870666202230_4107807617592508447_n 23844766_1604871046202192_7557547595592889929_n 23844669_1604870916202205_1257504848515082781_n 23844576_1604870956202201_7624853814410663889_n 23844536_1604871112868852_3332677085904307130_n 23844469_1604870609535569_6169929214744848279_n 23843430_1604870832868880_205925618842959966_n 23795785_1604870246202272_6835785034434872874_n