DOORASHADII 3-AAD EE GUDDOOMIUAHA FARACA YAAQSHIID

Events on: ,

Shalay oo taariikhdu ku beegneed 17/11/2017 waxaa qabsoomay doorashadda Faraca Degmadda Yaaqshiid, waxay aheed Doorasho si aadda loo soo agaasimay. Sadexda musharax ee tartamaysay ayaa kala ahaa: 1-Ilhaam Cali Xasan, 2- Mascuud Cali Qaasim 3- Cabdulqaadir Cumar Xasan, waxaa goobta ku sugnaa Cobixiyayaal iyo Korjoogto la socotay siday doorashadu u dhacayso waxaana hogaaminayay guddiga korjoogtada ah ee ka socday golayaasha ururka, Gudoomiye ku xigeenka Jiilul Amal, Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”,

Maryan Garaad Axmed oo ku hadlaysay Afka korjoogayaasha waxay xaqiijisay in doorashadaan ay ahayd doorasho xor ah oo xalaah ah.

Habka codbixintu waxay aheed mid qarsoodi ah, Ugu danbayntiina waxaa ku Guulaystay Cabdulqaadir Cumar Xasan oo NoqonayaGudoomiyaha Cusub ee Faraca Yaaqshiid.

Cabdiqadir waxan u diraynaa Hambalyo waxana ilaahay ooga baryaynaa inuu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday,dhamaan xubnaha Faraca Yaaqshiidna waxan ka rajaynaynaa inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Gudoomiyohooda Cusub.

sidoo kale xubnaha la tartamayay Cabdiqadir ayaa ugu hambalyeeyay Guusha, waxayna ballan qaadeen inay la shaqaynayan.

sidoo kale waxa hambalyo u diray C/qadir, gudoomiyihii hore ee Faraca yaaqshiid, Mudane Maxamed Khadar.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

23659617_1597592590263371_8015111325485489400_n 23658640_1597281923627771_2022383109750849510_n 23621730_1597282060294424_7058319803444143379_n23561507_1597281913627772_5067444885489050158_n23559899_1597282940294336_998780265082782680_n