TACSI TIIRAANYO LEH

Events on: ,

“إنالله وإنا إليه راجعون”
2 Todobaad oo baadigoob ah ka dib, Waxaa Qoyska Walalkeen #MaxamedCabdulleCabdi oo ka mid ahaa Dadkii lagu waayay qarixii 14 October Soobe ka dhacay, ay go’aansadeen, in lagu tiriyo dadkii halkaas ku geeriyooday.

Xaqiiqdii waa Xanuun aad uwayn inad waydo Walaal, saaxiib, garab iyo Gaashaan ba kuu ahaa Markaad Bulshada u wada adeegayseen, waxan Xanuunka la qaybsanaynaa Ehellada, qaraabada iyo Umadda Soomaaliyeed Guud ahaan.

Maxamed Cabdulle waxa Uu ahaa Gudoomiyaha Faraca Heliwaa Ee #DhalintaRajadaSoomaaliyeed Hope Generation.
Waxa uu ahaa aqoonyahan Dhalinyaro ah, Wuxuu Ka qalin jabiyay Jaamacadda Soomaaliya, Qaybteeda Maamulka Ganacsiga Business Administration.

waxan ad oogu xasuusannaa Kaalintii uu kulahaa Ololihii Ururku uu uga qayb qaadanayay Gurmadkii Abaaraha ee Sanadkan Billawgiisa Ku dhuftay Guud ahaan Soomaaliya, iyo sidoo kale firfircoonidiisa shaqo kasta oo uu ururku qabanayo.

Ilaahay Waxan u waydiinaynaa walalkeen, Naxariistii Janno inuu siiyo, Ehelladii Asxaabtii, Qaraabadii iyo Umadii Soomaaliyeed ee Uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Eebe ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Qadra Qaali Naima Abdulle Abdi

22730297_1575476915808272_7702670548073431545_n

22885922_1575476969141600_6928949561369105855_n