TABABARKA PERSONAL DEVELOPMENT EE 2017

Events on: ,

Tababar laba maalmood ah 11-12 May 2017, kuna saabsanaa ‘Personal Development’ oo ay si mutadawacnimo ah u fulinayeen qaar kamid ah xubnaha Ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyeed ayaa ka dhacay magaalada muqdisho . Tababarkan waxaa isku soo dubbariday soona agaasimay Xarunta Tababarada ee Hope Generation, waxaana ka faa’iideystay 120 dhaliyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan degmooyinka gobolka banaadir.

Macalimiintii bixineysay tababarka ayaa soo bandhigay casharo xiisad iyo xamaasadba ku abuuray dhalinyaradi kasoo qeybgashay tababarka, waxayna aad ugu booriyeen dhalinyarada inay waxbartaan oo waqtigooda ku dadaalaan islamarkaana ay dabbaqaan cilmigii ay ka heleen muddadii uu tababarku socday.

Maaha tababarkii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee uu ururku qabto, waxaa sanadihii lasoo dhaafay uu ururku qabtay tababarro sare loogu qaadayay wacyiga, aqoonta iyo xirfadda dhalinyaradda soomaaliyeed.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

18485546_1421388904550408_3374412942344399685_n18519830_1421388861217079_8084013384946395529_n18519716_1421388927883739_8535290624986459616_n18425384_1421388881217077_5968427361033978285_n18425381_1421388944550404_1444217634948043295_n18425103_1421388931217072_1874067291798541758_n18423715_1421388947883737_7109868256015834762_n