XAFLADDA DOORASHADA & XILWAREEJINTA GUDOOMIYAHA KAXDA

Events on: ,

Munaasabad kooban oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socotay golaha dhexe, golaha fulinta iyo maamulka faraca degmada Kaxda ee ururka dhalinyarada Jiilul Amal ayaa ka dhacday Degmada Kaxda.

Iyadoo laga ambaqaadayo xeer hoosaadka ururka, oo ah in muddo xileedka guddoomiyaha iyo maamulka farac kastaahi uu ku jaan go’an yahay hal sano, ayaa waxaa maamulka faraca degmada Kaxda qabteen doorasho daahfurnaan lahayd oo siwanaagsan u dhacday, waxayna ku doorteen Guddoomiye Cabdisalaam Macalim Ibraahim.

Guddoomiyihii hore ee faraca Kaxda, Cabdifataax Habbane ayaa sheegay in intii uu xilkaas hayay qabtay wax badan oo lagu xasuusan doono islamarkaana gudoomiyaha cusub uu la shaqeyn doono una rajeeyay inuu alle xilka la garabgalo.

Faraca Kaxda waa faricii 3-aad ee uu ururku ku yeesho gobolka banaadir, waxaana xusid mudan in ururku guud ahaan uga furan yihiin gobolka banaadir sagaal (9) farac ama laamood.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

20915563_1516244121731552_8041707936481476813_n20953808_1516244355064862_26823865895206929_n 20882913_1516244311731533_4150603635376173724_n

20953538_1516244341731530_4283125366750683692_n

20841888_1516244218398209_5394478040175446088_n