MAXAMED BARAWAANI OO LOO DOORTAY GUDDOOMIYHA GUUD EE URURKA جيل الأمل – HOPE GENERATION.

Events on: ,

Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 8/8/2017 si habsami leh uqabsoomay doorashadii dastuuriga ahayd ee Guddoomiyaha guud ee ururka جيل الأمل – Hope Generation .
Waxaa kulanka soo xaadiray intabadan xubnaha golaha dhexe ee ururka oo ay ku jiraan xildhibaanada degmooyinka matalaya. Xilka guddoomiyanimada waxaa u tartamayay afar musharrax oo kala ah:-
• Maxamed Barawaani
• Ahmed Sheikh Abdullahi Maadka
• Halimo Sheikh Ismail
• Maxamed Cabdulle Cabdi
Dhammaan Musharraxiinta Xilka guddoomiyanimada u tartamayay ayaa jeediyay hadallo kooban oo ku saabsan waxa ay qaban doonaan. Sida uu sharcigu qabo codeynta doorashada ayaa ahayd mid qarsoodi ah. Tartan xiisa lahaa dabadiis, waxaa xilka guddoomiyanimada ku gulaystay Guddoomiye Maxamed Barawaani oo muddo xileedkiisu yahay hal sano.
Ma’ aha doorashadii ugu horeysay ee uu uruku galo, sadexdii sano ee uu ururku jiray waxa uu doortay guddoomiyihii 3-aad oo ah guddoomiye Barawaani, waxaana kaga horeeyay xilka gudoomiyanimada Ururka Mudane Abdulkadir Mohamed Shaylilah, Mudane Sayyid Ali Gaabane .
Si guud ururka wuxuu ammaanayaa Shaqadii xoogga lahayd ee lasoo qabtay xilligii guddoomiye shaylillaah hoggaaminayey ururka, Sidoo kale wuxuu ugu hambalyaynayaa islamarkaana u duceynayaa guddoomiye Barawaani xilka cusub ee loo igmaday.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro, Madaxbannaan, Maxali ah oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

20729263_1507242132631751_9134603989243986721_n

20663803_1507242309298400_7408664851957644883_n

20663698_1507242212631743_8263558465094889763_n  20664054_1507242442631720_7128283052578323517_n