XAFLADDA DOORASHADA GUDDOOMIYAHA FARACA DEGMADA WADAJIR 2017

Events on: ,

Munaasabad si heer sare ah ay usoo agaasimeen qaar ka mid ah dhalinyarada degmada Wadajir ayaa shalay ooy taariikhdu ahayd 20/07/2017 ka dhacday Xanaanada iyo Dugsiga hoose dhexe ee AL-BASHAA’IR ee isla Degmadaas.
Munaasabadda ayaa ku saabsanayd doorashada guddoomiyaha faraca degmada Wadajir ee ururka Jiilul Amal (Hope Generation), Waxaana kursigaas u tartamay si daahfurnaan leh Mudane Maxamed Tahliil Maxamed , Ayaan Maxmed Xaaji iyo Mustaf Cabdinaasir Maxamuud, waxayna guushu raacday ugu dambeyn Mudane Cabdifataax Maxamed Tahliil Maxamed.
Munaasabadda waxaa goobjoog kahaa Shaylilaah Guddoomiyaga Guud ee Ururka, Cabdifataax gudoomiyaha xafiiska wacyi galinta iyo Cabdisamad Maxamed Sheekh Xasan.
Faraca Degmada Wadajir waa Faracii 9-aad ee uu ururku ka Furo Gobolka Banaadir, waxaana kol sii horeysay u ururku furay faracyada kala ah: Yaaqshiid, Warta Nabadda, Kaxda, Dharkenley, Heliwaa iyo Hodan, Dayniile iyo Kaaraan. Wuxuuna qorshuhu yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay fariinta ururka gaarto meel kasta oo ay dalka ka joogaan.
Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

20246186_1489250434430921_5174972539547925142_n20139759_1489250507764247_7324787785310120809_n20229400_1489250271097604_6200219773016845185_n  20258489_1489250304430934_7390397136499894550_n