XAFLADDA DOORASHADA & XILWAREEJINTA GUDDOOMIYAHA WARTANABADDA 2017.

Events on: ,

Munaasabad kooban oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socotay golaha dhexe, golaha fulinta iyo maamulka faraca degmada warta nabadda ee ururka dhalinyarada Jiilul Amal ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Iyadoo laga ambaqaadayo xeer hoosaadka ururka, oo ah in muddo xileedka guddoomiyaha iyo maamulka farac kastaahi uu ku jaan go’an yahay hal sano, ayaa waxaa maamulka degmada faraca warta nabaddu qabteen doorasho daahfurnaan lahayd oo siwanaagsan u dhacday, waxayna ku doorteen Guddoomiye Cabdicaziiz Macalim Axmed.
Guddoomiyihii hore ee faraca warta nabadda, ahna iminka xubin ka mid ah xubnaha golaha dhexe mudane Mustafa Taakow ayaa sheegay in intii uu xilkaas hayay qabtay wax badan oo lagu xasuusan doono islamarkaana gudoomiyaha cusub uu la shaqeyn doono una rajeeyay inuu alle xilka la garabgalo.
Faraca warta nabadda waa faricii 2-aad ee uu ururku ku yeesho gobolka banaadir, waxaana xusid mudan in ururku guud ahaan uga furan yihiin gobolka banaadir sagaal (9) farac ama laamood.
Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

20156104_1487970491225582_735287904454496733_n20229255_1487970541225577_6376721988063678229_n20229202_1487970421225589_8430687670009312252_n20245634_1487970577892240_1064067020203064775_n 20245971_1487970621225569_1298200047353477997_n