TABABARKA DOORASHADA TAKHASUSKA JAAMACADEED 2017

Events on: ,

Tababar si joogto ah u dhaca sanad kasta xiliga fasaxa iskuulada ayaa si habsami leh ugusoo gabagaboobay  Xarunta machadka Luqadaha ee jamacadda Muqdisho ee ku taala degmada hodan magaalada Muqdisho.

Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada جيل الأمل – Hope Generation oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, waxaana looga golleeyahay in kor loogu qaado wayiga ardayga Soomaaliyeed uu ka haysto waxbarashada sare iyo sidoo kale in labaro qaabka uu kudooran karo takhasuska ku haboon heerka jaamacadda si aysan u habaabin.

Tababarkan oo muddo laba bilood ah socday, ardayduna u galeen dufcad-dufcad, ayaa waxaa daahfuray Guddoomiyihii hore ee ururka Hope Generation Mudane Sayyid Ali Gaabane iyo maxada xafiiska arimaha ardayda ee jaamacadda muqdisho Mudane Muuse Axmed.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu uruku qabto tababar nuucan oo kale ah, waxaa xusid mudan in sanadkii hore xilligan oo kale uu ururku u qabtay arday gaareysay 1000 arday, sanadkanna waxaa ka faa’iideystay 2000 oo arday ah.

Ka Daawo Gunudkan Sawirada tababarkii sanadii hore 2016,  http://hogeso.org/…/tababarkii-sanadlaha-ahaa-ee-ardayda-d…/

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro, Madaxbannaan, Maxali ah oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

19149287_1453522278003737_3800239157668005129_n19260468_1453483534674278_2001774705148498765_n19224929_1453482928007672_3949450094682582884_n19149381_1453484341340864_8493125839786997079_n19145857_1453484008007564_5282890865738851156_n 19114005_1453483464674285_4476083876388876217_n19113831_1453483948007570_1594131812772008074_n18813413_1439919412697357_7552849429538199577_n