DABBAALDEGGA MAALMAHA XORRIYADDA 2017

Events on: ,

Munaasabad balaran oo loogu dabbaaldegayay todobaadka Xorriyadda Soomaaliya, (Waa maalmaha 26,27 june iyo 1-da Lulyo) ayaa lagu qabtay xarunta shirarka ee Jaamcadda Somali International University – SIU, Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dhalinyaro kabadan 300 . Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen maamulka jaamacadda SIU, Madaxda Ururka Dhalita Rajada iyo aqoonyahan kale ayaa ka jeediyay munaasabadda qudbado qiiro lahaa oo ku saabsanaa taariikhdii dalka iyo halgankii lasoo maray.

Ma aha markii ugu horeysay ee uu Ururku qabto munaasabado lagu weynaynaayo maalmaha taariikhiga ah ee uu dalku lee yahay.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro, Madaxbannaan, Maxali ah oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

19679303_1472883826067582_8665962066862460356_o19665108_1472884009400897_9124398341372627265_n19657128_1472904119398886_4384160861561290656_n19875302_1472884089400889_9070950485641095235_n