DARYEELKA CAAFIMAADKA BARAKACAYAASHA (MOBILE HEALTH CLINIC)

Events on: ,

Ururka Dhalinyaradda ee Hope Generation iyo Health organization of Kahda District oo iskaashanaya islamarkaasna ka jawaabaya abaarta ku habsatay dalkeena iyo dhibaatooyinka ka dhashay abaarta 2017, ayaa gaarsiiyay Deeq isugu jirta Dawo iyo baaritaan caafimaad Kaamka Furuqley ee Duleedka Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir.

Waxaa adeeg caafimaad loo sameeyay dad kor u dhaafaya 200 oo qof, Kiisaska dhaqaatiirtu la tacaalayeen ayaa waxaa ka mid ahaa: Shubanka, Malaariyada, Xiiqdheerta, Kaadidhiigga iyo Xanuunno kale oo ay dadku la ildarnaayeen.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

17554475_1376647505691215_7879309416619228670_n

17426373_1376646355691330_3481844886559557102_n

17626191_1376647659024533_1742877543282952158_n

17626329_1376646922357940_1449201307017098435_n

17629697_1376646342357998_1987509925649470035_n

17629890_1376646522357980_4907873894262493648_n

17630139_1376647115691254_1525850650101955653_n