Doorashada Guddoomiyaha Faraca Degmada Kaaraan

Events on: ,

Doorashada Guddoomiyaha Faraca Degmada Kaaraan

Munaasabad lagu dooranayey Guddoomiyaha faraca degmada Kaaraan ee ururka Jiilul Amal (Hope Generation) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17/03/2017 ka dhacday Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee ALFARAJ.

Munaasabadda waxaa isku soo dubbariday si heer sare ahna usoo agaasimey qaar ka mid ah dhalinyarada degmada Kaaraan. Tartan daahfurnaan leh ayey xubnaha degmada Kaaraan ku doorteen Mudane cadnaan Muqtaar Muuse oo noqonaya Guddoomiyaha Hope Generation ee faraca degmadda Kaaraan.

Munaasabadda waxaa goobjoog kahaa wafdi heer sare ah oo uu hor kacayey Guddoomiyaha Guud ee Ururka Mudane Cabdulqaadir Shaylilaah, Mudane Maxamed Macalin Aadan Madaxa Xarunta Tababarada, Maxamedqadar Guddoomiyaha Faraca Yaaqshiid iyo Madax kale.

Faraca Degmada Kaaraan waa Faracii 8-aad ee uu ururku ka Furo Gobolka Banaadir, waxaana kol sii horeysay u ururku furay faracyada kala ah: Yaaqshiid, Warta Nabadda, Kaxda, Dharkenley, Heliwaa, Hodan iyo Dayniile.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro, Madaxbannaan, Maxali ah oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

17362850_1362107840478515_8187694624701008850_n 17361605_1362107757145190_3941995442576178022_n17353236_1362107750478524_3189141335716436823_n17342784_1362107837145182_3934263389732884639_n 17361573_1362107773811855_4290462338353459412_n