BANDHIG SUUGAANEEDKA SANADKA 2017

Events on: ,

Naadiga Hal-Abuurka ee Ururka waxaa u qabsoomay Badhig Suugaaneed ay ka qayb qaateen xulka sugaanyahannada Naadiga, oo ka kala socday Faracyada Ururka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxayna soo badhigeen suugaanta qaybaheeda kala duwan, taas oo ay u riyaaqeen daawadayaashii bandhig suugaaneedka.

Gudoomiyaha Ururka Mudane Abdulkadir Mohamed Shaylilah ayaa Furay Badhigga,waxa uuna u mahad Celiyay Jaamacadda Atlas University of Somalia – AUS, oo Xarunta Bandhigga lagu qabanayay ugu deeqday ururka, iyo madaxda Xafiiska Naadiyada ee Ururka, oo hawsha isku dubbariday.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xafiiska Naadiyada Ustaada Halimo Sheikh Ismail ayaa ka faalootay Naadiga Hal-Abuurka iyo ujeedooyinkii loo aas aasay iyo yoolka laga leeyahay bandhig suugaaneedka noocan ah.

Waxaa barnaamijka Daadihinayay Abwaan Sayyid Ali Hussein Gaabane Gudoomiyaha Xafiiska Warfaafinta, asaga oo ka faa’iidaysanaya khibradiisa Abwaanimo ayuu si heersare ah u soo afmeeray Bandhigga.

Waxaa goob joog ka ahaa Bandhigga gudoomiyayaasha faracyada Ururka ee Gobolka Banaadir, oo suura galiyay inuu qabsoomo Bandhiggu.

Ka qaygalayashu waxa ay codsadeen in Bandhigyada noocan oo kale ah uu uruku u soo agaasimo si ay ugu soo gudbiyaan hal-abuurkooda.

16999092_1347764858579480_1252210135877434636_n17098697_1348530548502911_3373608628387436855_n 17098695_1348530375169595_5430987652871983186_n 17098356_1348530258502940_3973326018784040933_n 17022144_1348529185169714_4419244697806680670_n 17021957_1348528728503093_8063659733175980067_n 17021929_1348528778503088_7335990025669383949_n 16999229_1348530385169594_6997088770043293590_n 16998955_1348530128502953_1916073778115791957_n 16865219_1348530425169590_8937729472852797199_n