Doorashada Guddoomiyaha Faraca Degmada Dayniile

Events on: ,

Doorashada Guddoomiyaha Faraca Degmada Dayniile

Munaasabad si heer sare ah ay usoo agaasimeen qaar ka mid ah dhalinyarada degmada Dayniile ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2017 ka dhacday Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee ITAAL ee isla Degmadaas.
Munaasabadda ayaa ku saabsanayd doorashada guddoomiyaha faraca degmada Dayniile ee ururka Jiilul Amal (Hope Generation), Waxaana kursigaas u tartamay si daahfurnaan leh Mudane Cabdifataax cali cabdalla “Imaamka” , Eng. Cabdifitaax salaad cali iyo Cabdiraxmaan Maxamed yuusuf, waxayna guushu raacday ugu dambeyn Mudane Cabdifataax cali cabdalla “Imaamka”.

Munaasabadda waxaa goobjoog kahaa Shaylilaah Guddoomiyaga Guud ee Ururka, Sayyidcali Maxada Xiriirka iyo warfaafinta iyo Maxamed Macalin Aadan Madaxa Xarunta Tababarada.

Faraca Degmada Dayniile waa Faracii 7-aad ee uu ururku ka Furo Gobolka Banaadir, waxaana kol sii horeysay u ururku furay faracyada kala ah: Yaaqshiid, Warta Nabadda, Kaxda, Dharkenley, Heliwaa iyo Hodan. Wuxuuna qorshuhu yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay fariinta ururka gaarto meel kasta oo ay dalka ka joogaan.

Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

17201251_1355845081104791_5682975924956873356_n17190895_1355843877771578_8749589138594448350_n 17264387_1355843967771569_639756018197617055_n17264792_1355843994438233_7051314928093849675_n 17264999_1355845767771389_16368903337871006_n