TABABARKA BARAHA BULSHADA MAALINTA 2-AAD

Events on: ,

Maalintii 2aad Ee Tababarkii Baraha bulshada
————————————————————————-
Waxaa casharrada ku qornaa Maalinimadii Jimciha 24/02/2017 mahadi haka gaadhee hal abuure Moha-Nur Hussein Abdalla oo ah Maamulaha iyo hal abuuraha IM252, Waxa uu dhalinyaradii ka soo qayb gashay siiyay casharro muhiim ah oo ku saabsan baraha bulshada iyo siyaabaha loo adeegsado isagoo macallinku la xalliyay dhalinyarada mushkilado aad u badan oo ka haystay baraha bulshada gaar ahaan Facebook ga.
Gabagabadii Tababarka waxaa soo xiray gudoomiyaha جيل الأمل – Hope Generation Ustad Abdulkadir Mohamed Shaylilah, waxa uu u mahad celiyay Macallimiintii tababarka bixinaysay iyo sidoo kale dhalinyaradii wakhtiga ku bixisay inay ka faa’iidaystaan, sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay Machadka Luqadaha ee Mogadishu University oo Hool ka Tababarku ka dhacayay ku saaciday.
Ugu danbayntii Dhalinyaradii ka faa’iidaysatay ayaa cabiray sida ay ugu faraxsanyihiin inay ka faa’iidaysteen tababarkan macallimiintii iyo Maamulkii soo agaasimayna mahad ballaadhan ayay u celiyeen, jawi aad u qurxoona wuu ku soo gabogaboobay.

16996256_1344891152200184_4568747218651638301_n16939638_1344891145533518_4317544819807339787_n  16997658_1344890848866881_4873462460189258973_n16998245_1344891308866835_8535181406532456234_n