TABABARKA BARAHA BULSHADA MAALINTA 1-AAD

Events on: ,

Waxa si wanaagsan u qabsoomay Maalintii 1aad ee Tabarbarkii Baraha Bulshada ay sida wada jirka ah u soo wada qabanqaabiyeen #HopeGeneration (Dhalinta Rajada Soomaaliyeed) iyo #IM252 oo uu hormuud iyo hal abuure ba ka yahay Ustaad #MohaNur, Maanta waxa daah furay Tababarka Gudoomiyaha Hope Generation Ustaad Abdulkadir Mohamed Shaylilah, iyo Sidoo kale Madaxa Xarunta Tababarrada Ustaad Maxamed Macallin Aadan (Barawaani).

Cashirkii Koowaad Ee Tababarka oo aad u xiiso badnaa waxaa ardaydii iyo ka qayb galayaashii u qaadaa dhigay Ustaad Eng. Sayyid Ali Hussein Gaabane.

Barri Inshaa’allah Waxaa Duruusta inoo soo Jeedin doona Hal abuurka Da’da yar #EngMohaNur, oo ah hal abuuraha #IM252.

Dhamaan bulsho waynta Soomaaliyeed na waxan u ballan qaadaynaa barnaamijkan isagoo maqal, Muuqaal iyo qaraal ba leh in ay kaga bogan doonaan bogaga Facebook ee #HopeGeneration iyo #IM252.

Mahadsanidiin.

16819500_1342489869106979_4831566075004141501_o16831910_1342490079106958_5220898049981210120_n16938985_1342489912440308_6604302080276457996_n