QAYBTII 4-AAD: OL’OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA DEGMADDA HELIWAA

Events on: ,

QAYBTII 4AAD:
OL’OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA
DEGMADDA HELIWAA
Waxaa weli si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho OL”OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA kaasoo maalmihii laso dhaafay si isdajoog ah uga socday qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan Yaaqshiid, Dharkeenley iyo Warta-nabadda.
Iskuulka Niileyn ee Degmada Heliwaa ayaa waxaa lagu qabtay wacyigalinta dhalinyarada Degmadaas, waxaana ka soo xaadiray, qayb kamid ah dhalinta Degmada.
Sheekh Shiikh Abuubakar Cali ayaa dhalinta Ujeediyay Mawduuca Wacyigalinta oo ahaa “ KAALINTA RUNTA IYO AMAANADA AY KU LEEYIHIIN HORUMARKA BULSHADA”.
Ujeedada wacyigalintan ayaa ah kor u qaadista dhaqanka wanaagsan ee dhalinyarada oo ah Hoggaankii barito, taas oo uu doonayo Ururku in la helo Hoggaan ka Run sheega Amaanada uu Bulshada u hayo.
Munaasabadda oo uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Faraca Degamda Heliwaa Maxamed C/lle Cabdi ayaa kusoo dhamaatay jawi degan.

16508344_1325137894175510_7489522613411880099_n16299435_1325137804175519_4885684692006307802_n 16388035_1325137800842186_8002265686620880068_n16425928_1325137807508852_3544466613812636094_n16473161_1325137900842176_3069405865579722862_n 16425706_1325138477508785_6196005409449845990_n