QAYBTII 3AAD: OL’OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA DEGMADDA DHARKEENLEY

Events on: ,

QAYBTII 3AAD:
OL’OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA
DEGMADDA DHARKEENLEY

Ol’olaha dhaqan wanaagga ee uu ku hawlan yahay ururka ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Muqdhiso.
Faraca Dharkenlay ee ururka oo uu gudoomiye ka yahay Abdisamad Qudubi, ayaa shalay galab soo agaasimay, OL’OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA, ee degmadaas.
Wacyi galintu waxa ay ka dhacday iskuulka Ibnu-Khalduun ee Degmada Dharkeenley, waxaana soo jeediyaya Maduuca wacyigalinta oo ahaa “KAALINTA RUNTA IYO AMAANADA AY KU LEEYIHIIN HORUMARKA BULSHADA”, sheekh Cabdi Xayi Sh. Aadam, oo kamid ah culumada Degmada Dharkeenley deggan.
Dhalinyaradu aad ayay ula dhaceen Cashirka ay qaateen, waxa ayna ku baraarugeen in bulsho aan Runta iyo Amaadanada dhawraynin aysan horumar samaynaynin.
Ururka ayaa uga gol leh Wacyiglintan, kor u qaadidda heerka dhaqanka wanaagsan ee dhalinyarada oo ah Hoggaanka barito, taas oo uu doonayo Ururku in la helo Hoggaan ka Run sheega Amaanada uu Bulshada u hayo.
Munaasabadda oo uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Faraca Degamda Dharkeenley Cabdisamad Sh.Maxamed ayaa kusoo dhamaatay sidii loo qorsheeyay iyo jawi degan.

16265882_1319304078092225_5391693819246390511_n16195246_1319304548092178_2857389100015817584_n16265926_1319304251425541_4584563123673497676_n16298490_1319304448092188_3237324608869349369_n16387156_1319304474758852_8325750730232931085_n