QEYBTII 2-AAD: OL’OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA DEGMADDA WARTA-NABADDA

Events on: ,

QAYBTII 2AAD: OL’OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA DEGMADDA WARTA-NABADDA
Waxaa maalinkii labaad ka socda magaalada Muqdisho OL”OLAHA WACYIGALINTA DHALINYARADA oo socon doona Usbuucyada soo socda.
Iskuulka Suways ee Degmada Warta-Nabadda ayaa waxaa lagu qabtay wacyigalinta dhalinyarada Degmadaas, waxaana ka soo xaadiray, qayb kamid ah dhalinta Degmada.
Sheekh Aadam Cali Casayr ayaa dhalinta Ujeediyay Mawduuca Wacyigalinta oo ahaa “ KAALINTA RUNTA IYO AMAANADA AY KU LEEYIHIIN HORUMARKA BULSHADA”.
Ururka ayaa uga gol leh Wacyiglintan, kor u qaadidda heerka dhaqanka wanaagsan ee dhalinyarada oo ah Hoggaankii barito, taas oo uu doonayo Ururku in la helo Hoggaan ka Run sheega Amaanada uu Bulshada u hayo.
Munaasabadda oo uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Faraca Degamda Warta-Nabadda Mustafa Macalim Ciise ayaa kusoo dhamaatay sidii loo qorsheeyay iyo jawi degan.