DAAHFURKA FARACA DEGMADA HELIWAA

Events on: ,

Munaasabad lagu daahfurayay جيل الأمل – Hope Generation faraca (laanta) Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30/12/2016 ka dhacday hoolka xafladaha ee Iskuulka Niileyn ee isla degmadda Heliwaa.
Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah xubnaha Faraca Heliwaa, Guddoomiyaha Faraca heliwaa Mudane Maxamed Cabdulle Cabdi, Guddoomiye ku xigeenaka Guud ee Ururka Maryan Garaad Axmed, Guddoomiyaha Faraca Yaaqshiid Mudane Maxamed Khadar, Xubno Kasocday Golaha dhexe ee Uruka, Masuuliyeen mataleysay bahda waxbarasha, culimaaudiinka, Haweenaka iyo Marti sharaf kale.
Hadalo guubaabo, dhiirigalin iyo ammaan isugu jira ayay kasoo kala jeediyeen dhamaan masuuliyiintii munaasabadda ka hadashay, waxayna aad ugu nuuxnuuxsadeen in dehmadu baahi weyn u qabtay howlaha ururkan ee ah waxbarashada, tababaradda iyo wacyigalinta isugu jira.
Daahfurkan waxaa ka horeeyay doorashadii Guddoomiyaha Faraca oo kol hore dhacday, waxayna ku soo beegmeysaa arintan, ururka oo kusii baaha degmooyinka dalka guud ahaan gaar ahaan gobolka Banaadir, mana aha Faracii ugu horeeyay ee la daahfuro.
@Hope Generation waa urur dhalinyaro wadani ah madaxbannaan oo ka shaqeeya waxbaridda, wacyigalinta iyo wanaag u horseedka dhalinyaradda soomaaliyeed, waxaana magaalada muqdisho lagu aasaasay 2014.

15823647_1293977090624924_8183553972085095863_n15781119_1293977117291588_978338949250219129_n15780986_1293976650624968_1301005256929942276_n15747364_1293976947291605_1984291904883022623_n15622635_1293976957291604_961870060569908916_n15823554_1293977213958245_7381040581891113347_n