Xaflada Daah Furka Farca Dagmada Dharkenley.

Events on: ,

Munaasabad aad loo soo agaasimay laguna Caleemo Saarayay Guddoomiyaha Laanta Dharkeenley ee Ururka Dhalinyaradda Hope Generation Mudame Abdisamad Qudubi, ayaa galabta ka dhacday Degmadda Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Dhamaan Maamulka Laanta dharkeenley ee Ururka ayaa Goob Joog ka ahaa Xafladda, iyago kusoo badhidhay barnaamij aad u qurux badnaa oo loo riyaaqay.

Munaasabadda waxaa Marti sharaf ku ahaa, kalmaddo qiima badanna kasoo jeediyey, Guddoomiyaha Guud ee Ururka Hope Generation Mudane Abdulkadir Mohamed Shaylilah iyo Mudane MOHAMED KHADAR oo ah Guddoomiyaha Laanta Yaakhshiid oo isna ku hadlayay magaca Laamaha ururka, ayaa sheegay in maanta loo baahanyhay in odayaasha ay badalaan dhalinta soomaliyeed loona baahanyahay dhalinta in ayaga looga bahanyhay in ay waxqabadkooda tusaan wacyigaliyaan bulshada.

Guddoomiye C/qaadir Maxamed Shaylilaah oo Faalo dheer ka baxeyey Wax qabadka ururka, ayaa ku booggadiyey In ay dhalinta aayahooda ka tashadaan wadankana ay wax u qabtaan sheegayna in jilul amal uu yahay Shumac u soo ifay dhalinta somaliyeed dhamaantood. isagoo ku amaanay farca dagmada dharkenley shaqada ay u hayaan bulshadooda dagan dagmadaasi gaar ahan dhalinyaradda

waxaa kaloo meesha ka hadlay Maamulka Schoolka al anwaar Muqtaar Xaayow Rooble oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu arko dhalinyaro jecel isla shaqeyn wax wada qabsi
waxa uuna u balanqaaday in maamul ahaan schoolka al anwaar uu ugu DEEQAY  URURKA 10 ARDAY OO WAXBARASHO BILAASH AH .

waxaa kaloo meesha ka hadlayMaamulka Schoolka Ibnu Qalduun Abduqaadir sh ahmed mohamed oo wacyigalin iyo talooyin wax tar leh ka soo jeediyay munaasabada ayaa sheegay in schoolka Inbu qalduun uu garab buuxa siin doono ururka hope generation uuna in tii karaankiisa ah uula shaqeendoona .

Ugu dambeyn waxaa munaasabadda ka hadlayAfhayeenka Ururka Jiilul Amal Hope Generation faraca Dharkenley Mudane Abdirahman said ahmed OO taariikh Kooban kabixiyay Goorta La aas aasay Hope generation Faraca Dagmada Dharkenley Sheegayna In ay Ahayd Maalin jimco taariikhda 13 /September /2016 .

Ururka Dhalinyaradda Jiilul Amal, waa urur dhalinyarro madax bannaan, u taagan wacyigalinta, waxbaridda iyo wanaag u horseedka dhalinyaradda soomaaliyeed. isagoo ku ababinaya ixtiraam, kala dambeyn, wax wadaqabsi, isdoorasho, maamul wanaag, anshax, karti iyo aqoon oo ay wehliyaan shaqo xidhiidh ah.

14671352_1211233565565944_6524869707417681634_n

14724372_1211233248899309_4445106617705225340_n 14639645_1211233475565953_5722440016560634378_n14610995_1211233655565935_317635553056321560_n 14716251_1211233302232637_7292595744998305019_n

14690975_1211233455565955_5688806794797406966_n14650235_1211233672232600_2295790324517375422_n  14642325_1211233322232635_3422945530836702697_n