TABABAR CUNTO KARIN, DUFCADDII 2-AAD

Events on: ,

Xarunta Tababaradda ee Hope Generation iyo Mac’hadka Cunto Karinta ee Somali Quality Food ayaa maalmahan si wadajir ah u qabanayey Tababar isbuucle ah (Khamiis iyo Jimco) kaas oo lagu baranayey farsamada cunto karinta casriga ah.
Tababarkaan ayaa ahaa mid xiiso iyo xamasad ba lahaa, lagana dareemayey muddadii uu socday ka sooqeybgalayaasha iyo baraha bulshaddu ku xidhiidho. Waxaana tababarka bixineysay macalin takhasusu leh howlaha gurigga waa macalimad Khadiija Axmed Shiikh oo ah milkiilaha Machadka.
Waxaa lasoo gebagebeyay shahaadooyinna la guddoonsiiyay arday ka kala socday dufcadaha koobaad iyo labaad oo dhameystay muddadii loogu talagalay.
Guddoomiyaha Ururka mudane C/qaadir Maxed Skhiikh (Shaylilaah) ayaa soo xiray tababarka, waxaana goob-joog ka ahaa xafladda xiritaanka Dufcadda labaad Madaxa Mac’hadka Tababarka Mudane Maxamed Macalin Adan (Barawaani), Maxada Xafiiska Naadiyadda ee Ururka Xaliimo Shikkh Ismaaciil, Madax ka kala socotay Laamaha ururka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Cuntooyinka lagu baranayey waxaa ka mid ahaa:
Beer lagu sameeyay khudaar iyo faasuuliyad, Bariis mindi (am a urus maca laxmi ), Makarooni lagu kariyay kalar iyo xawaashyo, Jabbaati lagu sameeyay kabaab, Kaluun lagu sameeyay ukun iyo rooti shiidan, Shurbad ka sameysan maraq iyo khudaar, Digaag alfoornaati, Bàasto lagu sameeyay jibsi iyo kabsar, kabaab ka sameysan hilib, khubus khudaar lagu sameeyay, Quraac ka sameysan Ukun hilib shiidan iyo khudaar, sharaab ka sameysan canab iyo seytuun iyo qaar kale oo badan oon idiin qarinaayo.
Weli Fursaddu way u furan tahay dadka haleeli waayey maalmahaas qaaliga ah, waxayna nagala soo xiriiri karaan si ay isku diiwaangaliyaan telfoonadda kala ah. 

0616964138 /0618288881 /0617533335 /0615690764. 

14389809_1577441939231957_1038169026_n

14454729_10154524404258050_1581928136_n

14408095_10154524404253050_464265516_o

14455952_1577435982565886_195770323_o

14445775_1577443489231802_1051268429_n

14424124_1577436005899217_313272789_o

14442656_1577443485898469_41286178_n

14429292_1577437042565780_1528382854_n

14429334_10209440986077229_152141661_n

14429434_10154524404208050_249319276_n

14429529_10209440986917250_1701279775_n

14429591_1577443622565122_976951702_n

14429616_10154524404228050_1563014665_n

14438770_10154524403278050_34995735_o

14445487_10209440986637243_1756890140_n

14454444_10209440986877249_795386694_n

14463792_10209440986397237_765039581_n

14469214_10209440986957251_744297003_n

14429334_10209440986077229_152141661_n