SAAKA WAA DHARKEENLEY; GALABTA NA WAA HELIWAA!!!

Events on: ,

Munaasabad taariikhi ah oo lagu dooranayey guddoomiyaha faraca HELIWAA ee uruka jiilul Amal (Hope Generation) ayaa galinkii dambe ee maanta oo jimca ah 9/9/2016 ka dhacday isla degmadaas heliwaa.
Xafladda oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyihii hore ee ururka iyo guddoomiyaha iminka talada haya iyo madax ka socotay golayaasha ururka, ayaa ku bilaabatay gorfeyn waayaha dhalinyaradda iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarka bulshadda soomaaliyeed, tiiyoo hoosta laga xariiqeyn in loo baahan yahay in kaalintaas lasoo nooleeyo.
Munaasabadda ayaa lagu dooranayey guddoomiyaha faraca HELIWAA u matali doona urur weynaha sii balaadhanaya ee Jiilul Amal. Kadib tartan furan oo si xamaasad leh u dhacay ayaa lagu doortay guddoomiye Maxamed Cabdulle oo ku guuleystay cod aqlabiyad ah.
Munaasabadda ayaa jawi farxadi iyo rayrayn ah kusoo dhamaatay. Waana faracii shanaad aad ee Hope Generation ka furo Gobolka Banaadir, waxaana ha horeeyey faracayadda degmooyinka Yaaqshiid ,Warta Nabadda ,Kaxda iyo Dharkeenley oo hore loo furay.
Dhalinyaraddu waa lafdhabarka bulsho kastaahi leedahay, lagama maarmaanta ay tahay in ay isku tashtaan oo aysay sugin dad kale oo arimahooda u maamula ama wax u tara.
Ururka Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed (Hope Generation) waa Urur Dhalinyarro Maxali ah Madaxbannaan, u taagan Wacyigalinta, Waxbaridda iyo Wanaag u horseedka Dhalinyaradda Soomaliyeed. Waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2014.

14317624_1182858068403494_1082991343718389426_n

14317470_1182858441736790_4141305358957993145_n14264846_1182858958403405_6355855774952513022_n14212122_1182858988403402_3576501679697221100_n14292266_1182860775069890_8639392080488404402_n

14322582_1182858465070121_3937434299208606015_n 14317324_1182857531736881_620548788562535109_n14292443_1182861311736503_5072600091338125518_n14291696_1182860955069872_2512102954423612032_n14238141_1182860971736537_425761565772736173_n14225533_1182857641736870_4233745706332408474_n14203099_1182858245070143_8856745919772638645_n14141940_1182857728403528_2028238558009373249_n