MUNAASABAD LOO RIYAAQAY, DADKUNA LA ASHQARAAREEN!!!

Events on: ,

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, loo qushuucay oo ay dadku la ashqaraareen ayaa maanta ka dhacday hoolka munaasabadaha xarunta FPENS ee magaaladda Muqdisho. Munaasabadda ayaa lagu daahfurayey waaxda arimaha qoyska ee xafiiska tababaradda uruka Jiilul Amal (Hope Generation).

Munaasabadda waxaa marti sharaf ku ahaa lammaanaha is jecel, ee caanka ku ah arimaha qoyska ee kudayashada mudan, waa Shiikh Axmed Jowhar iyo Marwadiisa qaaligaa Marwo Hibo Cumar Geelle oo nooga yimid dalka UK.

Shiikha iyo Marwadiisa waxay maamulaan Akademiyadda Guurka ee saldhiggeedu yahay UK, inkastoo ONLINE-kana casharadda ay ku bixiyaan.

Waxaa xusud mudan in lammanayaal isqaba ay casharro usoo doonteen goobta, kuna soo badhigeen sida ay ugu faraxsan yihiin fursadan qaaligaa ee uu Jiilul Amal sababta u ahaa.

Hope Generation ayaa guddoosiiyey Martida (sh axmed iyo Hibo) hadiyaddo qaali ah oo ay ugu tala galeen dareen iyo shucuur na xambaarsanaa.

Dadweynaha munaasabadda joogay ayaa ahaa kuwo dareenkooda xakameyn kari waayeey, jaceylka ay u qabaan Martida iyo Mowduuca owgood. Waxaa dhacay wax taariikhda galay jiilkuna xusi doono.

IMG_20160823_10251514138340_10154443392918050_1439248299_n14101872_10154443392493050_393530708_nIMG_20160823_10071914171995_10154443392043050_1974402022_nIMG_20160823_113544IMG_20160823_113857dd