GUDDOOMIYAHA FARACA DEGMADDA KAXDA EE JIILUL AMAL OO LA DOORTAY!!

Events on: ,

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha jiilul amal ee faraca degmadda kaxda iyo madax ka socotay golaha dhexe ee ururka ayaa ka dhacday degmadda kaxda ee gobolka banaadir.

Munaasabadda ayaa lagu dooranayey guddoomiyaha faraca kaxda u matali doona urur weynaha Jiilul Amal. Kadib tartan hufan oo si daahfurnaan ah u dhacay, ayaa waxa ay xubnaha faraca ee degmadaasi guddoomiye u doorteen Mudane Cabdifataax Habane Maxamed oo ka guuleystay saddex musharax oo jagadaas kula tartamayey.

Guddoomiye Cabdifitaax Qeys (Cabdifataax Habane Maxamed) ayaa looga fadhiyaa inuu dardargaliyo hawsha faraca degmadda kaxda, kana soo baxo waajibaadka dalka iyo dadka ka saaran.

Munaasabadda ayaa jawi farxadi ku dheehan tahay kusoo idlaatay. Waana faracii sadexaad ee Hope Generation ka furo Gobolka Banaadir, waxaana ha horeeyey faracayadda degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda oo lafuray bilowgii sanadkan.

Ururka Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed (Hope Generation) waa Urur Dhalinyarro Maxali ah Madaxbannaan, u taagan Wacyigalinta, Waxbaridda iyo Wanaag u horseedka Dhalinyaradda Soomaliyeed. Waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2014.

13892294_1154316291257672_5449352708779420842_n

13903381_1154316484590986_2178466287574271635_n

13906747_1154318174590817_7920999203498928160_n

13924911_1154316341257667_64152056105911501_n

13920582_1154316481257653_4917214622619960727_n

13920596_1154316574590977_3505697396927742615_n

13942546_10209001359086829_1961115682_n