TABABARKA QORAAGA MUSTAQBALKA & XIRFADAHA AKHRISKA

Events on: ,

67b61d41-21cf-4151-8cdc-92323c642d84

Wuxuu ahaa tababar ka duwan tababaraddii hore ee uu Ururku qaban jiray, Wuxuu ahaa tababar aad loogu baahi qabay, dhif iyo naadirna ku ah gayigeena guud ahaantiis, waxa ay ardaydu qaadanayeen duruus la xidhiidha Qoraanimadda iyo Xirfadaha akhriska oo ay la socotay tusaale iyo tijaabo (practical).

Jaamacadda CAPITAL Ee ku Taala Agagaarka isgoyska Siinaa ayuu tababarku laba maalin oo xidhiidh ah ka socday. Qabanqaabadda iyo abaabulka waxaa lahaa Naadiga Akhriska & Qalinleyda ee JIILUL AMAL faraca YAAQSHIID.

Naadiga Akhriska & Qalinleyda JIILUL AMAL waa naadi u taagan soo nooleynta iyo abuurista dhaqanka wax akhriska iyo inuu soo saaro Qorayaal badala Qorayaasha Qalaad ee sida qaldan Dalkeena iyo dadkeena wax uga qora, waxaana lagu aasaasay Magaaladda Muqdishu sanadkii 2015.

Tababarku wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo dhamaan loo riyaaqay, wuxuuna ururku qaban doonaa Tababarro caynkan oo kale ah hadduu Rabbi idmo.

Ururka Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed ( Jiilul Amal AMA Hope Generation) waa Urur Dhalinyarro Furan, Maxali ah Madaxbannaan, Ka shaqeeya Wacyigalinta, Waxbarashada, Tababaradda iyo Nabadda, Wuxuuna horseed u yahay Dhalinyaradda Soomaliyeed. Waxaana lagu aas’aasay  Magaalada Muqdisho  Sanadkii 2014.

 

13814421_307429409605505_1409635629_n

13814524_307429369605509_378505793_n

13815184_307429436272169_1256706957_n

13815224_307428962938883_1788561250_n

13816815_10208897900820437_460046907_n

13819586_307428906272222_1033882027_n

13819739_307428942938885_1838762399_n

13820367_10208897898700384_1213350256_n

13823225_10208897900300424_157164941_n

13823238_10208897899820412_183390105_n

13823280_307429009605545_1182119090_n