DOORASHADA GUDDOOMIYAHA  JIILUL AMAL

Events on: ,

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay  16/07/2016 Qabsoomay Shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee Ururka.

Ujeedada shirka ayaa ahayd Doorashada Guddoomiyihii badali lahaa Guddoomiye Sayyid Ali Hussein Gaanabe oo xilka soo hayey Muddo Sanad ah.

Waxaa cod aqlabiyad ah kusoo baxay Guddoomiyaha Cusub ee Ururka mudane C/qaadir Maxamed Shaylilaah  oo kal hore si ku meelgaar ah muddo sadex bilood ah Ururka usoo Hoggaaminayey.

Si Guud Ururka wuxuu ammaanayaa Shaqadii xoogga lahayd ee lasoo qabday xilligii Sayyid hoggaaminayey ururka, Sidoo kale Wuxuuna Hambalyeynayaa islamarkaana u duceynayaa Guddoomiye Shaylilaah xilka cusub ee loo igmaday.

Waa maalin Taariikhi ah, Waxaa isku soo beegmay Ilaahay amarkii maalintii la fashiliyey af-gambigii dhicisoobay ee Turkiya iyo Doorashada Guddoomiyaha Ururka Dhalinta Rajjo Soo celinta Soomaaliyeed (Jiilul Amal)

Ururka Wuxuu tusaale u yahay dhalinyaradda soomaaliyeed, Doorashadanna waa tii 4-aad ee uu uruku galo. Waxaan aaminsanahay in dhalinyaradda dhaqankoodu noqdo Inay is doortaan. Iyadoo taa laga amba qaadayo, Ururku wuxuu qaban doonaa maalmaha soo socda xaflad xil wareejin ah hadduu rabbi idmo.

Hambalyo Dhamaan Xubnaha Ururka Ee kula jira Golaha dhexe, Golaha Fulinta, Golaha Guud iyo Degmooyinka Gobalada.

13689396_308017399542751_767827048_n

13689624_308013039543187_92437290_n

 

13689714_308017366209421_1237859609_n

13694979_308017552876069_569790583_n

13695760_308013072876517_643333554_n

13695843_308017546209403_244504180_n

13695869_308017599542731_1676758212_n

13695949_308017309542760_1675366604_n

13705253_308015386209619_113273003_n

13713344_308017406209417_545611426_n

13713470_308017116209446_1916996414_n

13713543_308015402876284_1523601598_n

13714348_308012736209884_53774531_n

13714424_308017572876067_326206239_n

 

13735434_308017706209387_1991384946_n