Xafladda Daah-Furka Faraca Warta Nabadda Ee Hope Generation

Events on: ,

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Hotel Al-Raxma ee ku yaala agagaarka isgoyska Siinaa , Degmadda yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho.  Ujeedada Xafladan ayaa aheyd daah Furka Faraca WARTA NABADDA ee ururka Jiilul Amal (Hope Generation).

Ugu horeyn waxaa Xafladda daah furay guddoomiyaha Faraca Warta Nabadda ee Jiilul Amal  Mudane Mustaf macalin, Isagoo soo Dhaweeyey dhammaan Martidii iyo dadweynihii ka soo qeyb galay  munaasabadda.

Waxaa  xafladdan goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guud Ee Jiilul Amal  Xaliimo sh Ismaaciil, Madaxda Xafiisyada, Maaliyadda, iyo Horumarinta Ururka, Guddoomiyaha Faraca Yaaqshiid, Xubno ka socday Jiilul Amal, Marti Ka kala socotay Jaamacadaha Dalka, Ururadda Bulshadda Rayidka ah, Ururro dhalinyaro, Culimaa’udiin, Haween, iyo marti-sharaf kale.

Dhammaan waxay u hambalyeeyeen Jiilul Amal iyo Dadaalka uu wado, waxayna  Isla qireen in dhalinyaraddu tahay lafdhabarka bulsha Soomaaliyeed, loona baahan yahay in dhalinyaraddu baraarugto, iskaashato oo ay wax wada qabsato.

Sidoo kale waxaa xafladda kalmad qiima badan ka jeediyey Ustaad Yusuf Cumar Xassan oo kamid ah madaxda Jaamacadda Muqdisho. Ustaadku wuxuu bogaadiyey Kaalinta ay ciyaarayaan Ururka Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed oo soo nooleeyey quluub quusan rabtay.

Maaha Faracii ugu Horeeyey ee uu Ururku ka furo gobolka Banaadir, 28-kii Janaayo, 2016 ayay ahayd markii daaha laga rogay Faraca Yaaqshiid Ee Ururka. Faracanna waa kii labaad ee Ururku ka furo Banaadir, waxaana uu qorsheynayaa inuu furo faracyo kale idanka Eebbe.

Xafladdu waxay  kusoo dhamaatay jawi wanaagsan oo dhamaan laga wada maqsuuday.

Ururka Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed ( Jiilul Amal AMA Hope Generation) waa Urur Dhalinyarro Furan, Maxali ah Madaxbannaan, u taagan Wacyigalinta, Waxbaridda iyo Wanaag u horseedka Dhalinyaradda Soomaliyeed. Waxaana lagu aas’aasay  Magaalada Muqdisho  Sanadkii 2014.

13282167_10208448937516635_2121599421_n

13318924_10208448937636638_1834519089_n

13318933_10208448937476634_1230062339_n

13330500_10208448937596637_1016932910_n

13293091_10208448937436633_1449687021_n

13295227_10208448937196627_1433938945_n