TALO-WADAAG (15 MAY, MAALIN XUSUUS MUDAN, XOG-OGAALKU TAARIIKHEEYO)

Events on: ,

13219644_961717147283250_1644770046_n - Copy

Xafiiska wacyi galinta ee Dhalinta Rajada Soomaaliyeed (HOPE GENERATION , (جيل الامل ayaa soo agaasimay TALO-WADAAG ku aadanaa munaasabadda 15 may 2016, 73 guuradii ka soo wareegatay aasaaskii Ururkii SYL, Talo-wadaagaas oo  ay ka qayb galeen qaar ka mid ah dhalinyarada soomaaliyeed iyo aqoonyahanno marti ku ahaa munaasabaddaba, kaasoo lagu qabtay Hotel ka Ramada Ee magaalada Muqdisho.
Talo wadaagan oo muhiimaddiisa ugu wayn ahayd in lagu falanqeeyo, ahmiyadda ay leedahay munaasabadda 15 may, iyo waliba caqabadaha ugu waawayn ee haysta dhalinyarada maanta iyo sida ugu haboon ee loo xalin karo.
Ugu horrayn munaasabaddu waxaa daah furay Dr. Maxamed Deeq Ibrahim Cabdi oo ah aqoon yahan PHD ku haysta cilmiga taariikhda, wax badanna ka qoray Soomaaliya iyo Soomaalidaba, Dr ku waxa uu ka sheekeeyay aasaaskii ururkii SYL iyo siyaabihii uu ku bilawday iyo waliba sida uu ugu fiday gayiga soomaalidu degto oo dhan, iyo waliba goorta loo asteeyay maalinta 15 may inay noqoto maalinta dhalinyarada soomaaliyeed, sidoo kale Dr maxamed Deeq wuxu ka waramay fursadihii ay haysteen iyo waliba caqabadihii hortaagnaa xiligaas dhalinyaradii SYL.
Intaa kadib waxa la gudo galay TALO-WADAAG ku saabsan caqabadaha ugu muhiimsan ee haysta dhalinyarada soomaaliyeed ee maanta.
Dhalinyaradii ka qayb galaysay TALO-WADAAGGA waxay dhiibteen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qofkastaaba wax yaabaha uu arko inay yihiin caqabadaha haysta dhalinyarada soomaaliyeed.
Marka la isusoo xeeriyo caqabadihii ay dhalinyaradu tilmaameen waxaa ka mid ahaa:
  1. Yaraanta fursado wax barasho, gaar ahaan kuwa la xiriira farsamada gacanta.
  2. Ciriiriga Fursadaha shaqo ee ay Dhalintu heli karaan
  3. Isticmaalka maandooriyayaasha oo ka dhashay wax barasho la’aanta iyo shaqo la’aanta.
  4. U adeegsiga dhaliyarada hurinta Colaadaha ku salaysan qabiilka iyo Ururaysiga.
  5. Tahriibka ayaa isaguna ah aafo kale oo haysata dhalinyarada soomaaliyed
  6. Amni xumida ka jirta qaybo ka mid ah dalka
  7. Manaahijta waxbarashada oo aysan ku jirin waxyaabo si gaar ah u dhisaya dhalinyarada soomaaliyeed, maadama intooda badan lagasoo qaatay wadamo kale.
  8. Ka qayb galka siyaasadda ee dhalinyarada oo aan fududayn, ama caqabado badan lagu horgudbay.
Intaas ka dib ayaa waxa loo gudbay maxay yihiin qodobada ugu muhiimsan ee xalka u noqon kara caqabadahaas la tilmaamay.
  1. In intii karaan ah laga shaqeeyo sidii fursado wax barasho loogu abuuri lahaa dhalinyarada soomaaliyeed iyadoo la isticmaalayo in lala kaashado jihooyinka ka shaqeeya arrimaha waxbarashada, lana gaadhsiinayo qaylo dhaan ku saabsan arrintaas cidda ay khusayso.
  2. Sidoo kale in wacyigalin laga sameyo hababka loo sameeyo shaqo siinta, ee aan ku salaysnayn cadaaladda, lana sameeyo xarumo ay dhalinyaradu ka heli karaan arrimaha la xiriira fursadaha shaqo ee banaan.
  3. Sidoo kale in la sameeyo barnaamijyo lagag wacyigalinayo dhalinta arimaha la xiriira xumaanta qabyaaladda, qaadka iyo maandooriyayaasha, iyo waliba tahriibka.
  4. In laga shaqeeyo sidii sare loogu qaadi lahaa garaadka dhalinyarada ee ku aadan Amniga iyo ka qayb galka siyaasadda.
TALO-WADAAGAAS kadib Ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyeed waxa uu dhaliyarada ugu baaqayaa:
  1. Midaynta safka dhalinyarada Soomaaliyeed
  2. In aysan noqonin xaabo lagu huriyo Colaadaha sokeeye.
  3. In ay saamayn buuxda ku yeeshaan dhismaha dalka iyo dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed
  4. In ay u istaagaan si dhab ah badbaadinta jiritaanka Soomaaliya
  5. Ka fogaanshaha qabyaaladda, gobolaysiga iyo xagjirnimada
  6. In la taageero cidkasta oo wada halgan samata bixin ah.
Sidoo kale Madaxda Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa arimahan soo socda:
  1. Xil iska saaridda waajibka badbaadinta dhalinyarada derbi jiifka ah, una sameeyaan (Hooy, daryeel caafimaad, wax-barid).
  2. In aan laga hor-istaagin dhalinyarada Soomaaliyeed gudashada dowrkooda ku aaddan disidda Dalka.
  3. Xil iska saarida shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada.
Ugu dambeyn, Waxaan eebbe ka baryeynaa in dhalinyaraddii SYL uu qabrigooda u waasiciyo, noo dhaliyo kuwo iyagaas oo kale ah. Ama inta hadda joogta ee wadaniga ah qalbiyaddooda isku soo dumo, tuso inay wax badali karaan.
ISLAAMNIMO ,SOOMAALINNIMO, WADANINIMO, MIDNIMO
Ururka Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed (Hope Generation) waa Urur Dhalinyarro Maxali ah Madaxbannaan, u taagan Wacyigalinta, Waxbaridda iyo Wanaag u horseedka Dhalinyaradda Soomaliyeed. Waxaana lagu aas’aasay  Magaalada Muqdisho  Sanadkii 2014
Allaah baana ku mahadsan.

13227032_10207978192126505_7897223914826688547_n

13227929_10154166987403050_1637218931_n

13228130_10154166987363050_2146765744_n

13231101_10154166987373050_797475040_n

13231229_10154166979778050_1742755473_n

13233237_10154166980478050_522367665_n

13233417_10154166987523050_1397513608_n

13233432_10154166980443050_1782748102_n

13236153_962326823888949_1546940465_n

13246058_10154166979818050_48241853_n

13246084_10154166980453050_674459296_n

13249503_10154166987398050_1925673717_n

13178824_10207978189806447_62546473820955168_n

13239258_10207978190526465_1333029375693888708_n

13239262_10207978188206407_2858573515472162818_n