GUDDOOMIYAHA FARACA DEGMADDA WARTA NABADDA OO LA DOORTAY

Events on: ,

13082080_887005614754812_1761480736_n

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Degmadda yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.  Munaasabadda ayaa ku saabsaneyd Doorashada Guddoomiyaha Faraca degmada Warta Nabadda ee Ururka Dhalinta Rajadda Soomaliyeed, waxayna guushu raacday Guddoomiye Mustafa Shiikh Ciise.

Waxaa  xafladdan goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Golaha fulinta, Guddoomiyaha Faraca Degmadda Yaaqshiid iyo Xubnaha cusub ee Degmadda Warta Nabadda  Ee Ururka Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed.

Ugu horeyn waxaa Xafladda daah furay guddoomiyaha Faraca Yaaqshiid ee Jiilul Amal  Mudane Maxamed Khadar, Isagoo soo Dhaweeyey dhammaan Martidii iyo dadweynihii ka soo qeyb galay  munaasabadda.

Waa faracii labaad ee Hope Generation ka furo Gobolka Banaadir, waxaana ha horeeyey faraca degmadda Yaaqshiid  oo la daah furay  28 Janaayo, 2016.

Dahalinyaraddu waa tiradda ugu badan bulshadda soomaaliyeed dad ahaan waxaana lagu qiyaasaa inay ka yihiin bulshadda 70%. Sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarujiyo kaalintooda kaga aadan Horumarinta iyo ilaalinta Dalka, dadka iyo diinta.

Ururka Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed (Hope Generation) waa Urur Dhalinyarro Maxali ah Madaxbannaan, u taagan Wacyigalinta, Waxbaridda iyo Wanaag u horseedka Dhalinyaradda Soomaliyeed. Waxaana lagu aas’aasay  Magaalada Muqdisho  Sanadkii 2014.

esesese

fffffff

13101064_952570574864574_1159522645_n

13115556_952571138197851_1066829318_n

 

13115682_10154126307563050_146650493_n       13140754_10154126226883050_825438697_n