TACSI TIIRAANYO LEH IYO TALO WALAALEED.

Events on: ,

Tahriibta Dhalinyarada waa aafo qaran,musiibo ummadeed iyo mushkilad caalami ah. Waa maanka oo rogmay, Waa muruqii Dalkeena oo badaha ku moosmay.

Waxaan ka tacsiyeyneynaa  inagoo ah Dhalinta Rajadda Soomaaliyeed (Hope Generation) dhalinyaradii soomaaliyeed ku halaagsamay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga. Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu u dambi dhaafo, u naxariisto oo uu janaddii ka waraabsho. Waalidkii dhalay iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed na sabir iyo iimaan buuxa ka siiyo.

Mahadi ha ka gaadhee abwaan Cali Saalax Siciid (Cali daad ) ayaa maanso gaaban oo wacyi galin ah oo uu kaga digaayo tahriibta iyo dhibaatooyinkiisa oo  baryahan danbe aad u soo kordhay dhalin badanna ay ku nafwaayeen. Maansada magaceedu waa HATAHRIIBIN, Akhris wacan.

 

Tixo gabay ah baan tirinayaa talo wadaageede.

Tusaaliyo waxaan bixinayaa muuq tilmaan sidahe.

Tubta maqalka iifura waxbaan taabo leeyahaye.

Adigoon tahriib gelin adoon taladu kaa laalmin.

Tubtaas dheer adoon marin adoon tacadigaas doonan.

Toban beri adoon qadin adoon reerka tacab beelin.

Tiriboli adoon lagugu qaban xarig laguu taagin.

Tola’yey adoon oranin iyo lacagta soo tuura.

Tashwiish reerka adigoon kufurin tuugsi iyo qaylo.

Tacadiyo rafaad adiga oon lagugu taagtaagsan.

Tacbaan doon sadaxeed intaan mawjad kaatuurin.

Talyaaniga badiisiyo adoon barafka siituuran.

Tuugsi iyo adoon kaalmo dalab gacanta sootaagan.

Takfiir diinta maanacay intaan gaalo kuu talinin.

Tirtir gaarigaygiyo ku oran lugaha iituuji.

Tan aduun mid aakhiro intaan taladu kaaweecan.

Toobadii ilahay adoon tooska uga bayrin.

Tobankaas halaag iyo intaan shalow lagaa tuurin.

Teetano intaan lagugu durin talada kaaqaada.

Tashi xumo intaaney kuhodin hooyo tacab beelin.

Taariikh xun adigoon kategin oo lagu tusaalaysan.

Taladayda maqal oo tahriib tamanigeed jooji.

 

Tacliin shaqoba waad heline eebe tala saarso.

Taadan aad kunooshahay dalkey sharafi taalaaye.

Tol kucaawinaayaa jiriyo waalid kuu turahe.

Tixgelin baad kuleedahay xoriyad taamah oo adage.

Taladayda maqal oo tahriib tamanigeed jooji.

Tacliin shaqoba waad heline eebe talasaarso