Xafladda Daah-Furka Faraca Yaaqshiid Ee Jiilul Amal

Events on: ,

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xanunta dhexe ee Jaamacadda Capital ee ku taala agagaarka isgoyska Siinaa Ee Degmadda yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho.  Ujeedada Xafladan ayaa aheyd daah Furka Faraca Yaaqshiid ee ururka Jiilul Amal (Hope Generation)

Ugu horeyn waxaa Xafladda daah furay guddoomiyaha Faraca Yaaqshiid ee Jiilul Amal  Mudane Maxamed Khadar, Isagoo soo Dhaweeyey dhammaan Martidii iyo dadweynihii ka soo qeyb galay  munaasabadda.

Waxaa  xafladdan goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Guud Ee Jiilul Amal Mudane Sayyid Cali Xuseen Gaabane Madax ururro dhalinyaro, Culimaa’udiin, Haween, iyo marti-sharaf kale. Dhammaan waxay carabka ku adkeeyeen qiimaha Dhalinyaranimaddu leedahay iyo Kaalinta Dhalinyaradda kaga aadan Horumarinta iyo ilaalinta Dalka, dadka iyo diinta.

Ururka Jiilul Amal (Hope Generation) waa Urur Dhalinyarro Maxali ah Madaxbannaan, u taagan Wacyigalinta, Waxbaridda iyo Wanaag u horseedka Dhalinyaradda Soomaliyeed. Waxaana lagu aas’aasay  Magaalada Muqdisho  Sanadkii 2014.

Ugu dambeyn wuxuu Guddoomiyaha Guud uu ku Dhawaaqay in Faraca Yaaqshiid si rasmi ah u furan yahay.  Waxayna Xafladda kusoo dhamaatay jawi wanaagsan.

hope(1)12648122_216956055315553_704847381_n12648172_216956605315498_1085469335_n12606816_216954505315708_965018527_n 12625681_216962261981599_872573584_n

12625714_216962775314881_1322953459_n

Xafladda Daah Furka Faraca Yaaqshiid ee ururka Jiilul Amal

12625842_216956528648839_887155522_n

12647745_216962595314899_580156768_n

12648085_216960238648468_713654764_n

 

12607231_216954425315716_1538585702_n

12650177_216960425315116_2015686774_n12659728_216962435314915_387082491_n

12650335_216956221982203_1836508750_n